​Puntland: Jaadka oo lagu iibinayo suuqyada magaalooyinka

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa saaka deegaanada Puntland soo gaaray Jaad ka yimi dhinaca dalka Kenya kaasoo si habsami leh loogu dhex iibsanayo suuqyada waaweyn, kadib markii Puntland ka hortimid amar maanta lagu hakinayya Qaadka oo kasoo baxay dowladda Federalka Somalia.

Wariyaasha Warsidaha GO ayaa saaka tagay suuqyada Galkacyo, Garowe iyo Bosaso, waxayna soo arkeen Jaadka loo yaqaano "Miiroowga" oo lagu kala gadanayo goobihiisii caadiga ah iyadoo aysan jirin wax wal wal ah.

Qaar kamid ah dadka ka ganacsada oo su'aalo weydiiyay GO, ayaa sheegay in amarka dowladda Federalka cunoqabatayn ku yahay ganacsigooda iyagoo soo dhaweeyay tallaabada Puntland kaga hortimid go'aanka xukuumadda Somalia.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan magaalada Garowe, oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta Radio Garowe ayaa soo dhaweeyay tallaabada dowaldda Federalka Somalia ku hakisay Jaadka iyagoo ku tilmaamay Maandoori dhibaato dhaqaale iyo mid amniba ku haya waddanka Somalia.

Waxa sheegeen inuusan wax faa'iido ah u hayn bulshada iyagoo ku baaqay in go'aankaasi noqdo mid waara.

Lama oga sababta Puntland uga hortimid go'aanka dowladda Federalka ay ku joojisa Qaadka.

Arrintan ayaa timid xilli xiriirka Puntland iyo dowladda Federalka Somalia muddooyinkii dambe hagaagsanaa, balse dhowr jeer oo hore, waxay Puntland naqdisay amarro kasoo baxay dhinaca xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM