​Puntland: Khasaaro ka dhashay jid-gooyo lagu sameeyay ciidanka madaxtooyada

Image

GALKACYO, Puntland- Kolonyo galbinaysay baabuur dagaal oo laga leeyahay Koonfurta Somalia, ayaa la kulmay jidgooyo nawaaxiga degmada Galkacyo gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Mallayshiyaad hubaysan ayaa jidka u galay ciidamo katirsan madaxtooyada Puntland kuwaasoo galbinayay 4 baabuur nooca dagaalka ah iyo mid kuwa aan Xabaddu karin ah, kuwaasoo loo wadey degaanka Ceebuur.

Mid kamid ah mallayshiyadii jid-gooyada samaysay ayaa geeriyooday, halka ciidanka madaxtooyada Puntland Askari kamid ah uu dhaawac soo gaaray.

Maleshiyaadkaan ayaa dhinaca kale qabsadey gaari laga leeyahay madaxtooyada Puntland kaasoo cidamada ka tageen markii taayarada laga toogtey.

Baabuurtan ayaa ku dhawaad 30 casho ku sugnaa magaalada Garowe, kadib markii ay qabsadeen ciidamo fadhigoodu yahay gobolka Nugal.

Gawaaridan ayaa lagasoo dajiyay degmada Bosaso, waxaana ka dhashay khilaaf xooggan kadib markii ciidamada Kumaandoosta Puntland gacanta ku dhigeen.

Isimada Puntland ayaa ku guulaystay in baabuurtaasi la fasaxo, waxaana xilli loo waday magaalada Galkacyo la kulmeen is-hortaag fashilmay kaasoo ay sameeyeen tiro yar ciidamo katirsan Puntland kuwaasoo ka xumaa in la wareejiyo gaadiidkan dagaal oo markii hore wararku sheegayeen in Galmudug laga leeyahay.

Gawaridaan ayaa waxaan loo wadey ciidamo ku sugan degaanka Ceelbuur waxaana ku jirey gaari aan xabadu karin oo uu lahaa isim kamid ah beesha Duduble Habargidir.

Majirto ilaa hadda cid ka tirsan dowladda Puntland oo ka hadashay falkan ka dhacay nawaaxiga deegaanka Baacaadweyn oo qiyaastii 41KM dhinaca Bari ka xigta xarunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM