Puntland: Khayre oo ka hadlay sida Qardho loogu soo dhaweeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Arbaco ah gaarey magaalada Qardho, ee xarunta gobolka Karkaar.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa Ra'iisul Wasaare Khayre kaga hadlay qaabkii maanta loogu soo dhaweeyay Qardho, isagoo ku amaaney shacabka magaalada "dowlad jaceyl."

"Shacabka reer Qardho waan uga mahad celinayaa soo dhaweynta qiimaha badan ee ay maanta noo sameeyeen. Magaalada Qardho oo ah Xaruntii Dhaqanka waxa iiga muuqda Dawlad Jacayl," ayuu ku yiri Khayre qoraalka Twitter-kiisa.

Magaalada Qardho oo ah xarunta dhaqanka Puntland, ayaa waxaa Khayre uu kula kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse Iyo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi, oo uga mahadceliyay Marti-soorka iyo Qaabilaadda hufan.

Amaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay kahor booqashada Khayre, oo saaka kasoo ambabaxay magaalada Garoowe, ee caasimadda dowladda Puntland.

Khayre iyo wafdi ka socda dowladda Federaalka ayaa u yimid Puntland ka qeybgalka munaasabada xuska sanad-guuradda 20aad ee aas-aaska maamulkan, oo dhici doonta maalinta berri ah, 1-da August, 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM