​Puntland: Khilaaf ka taagan kooxo kubadda cagta oo lasoo xulay

Image
Image

GAROWE- Xiriirka kubadda cagta Puntand, ayaa maanta ku dhawaaqay liiska kooxo la sheegay inay ka mid noqonayaan kuwa heerka koowaad ee Puntland, waxaana arrintaasi shaaciyay xoghaya xiriirka Cabdulqaadir Cali (Juula).

Naadiyaasha la qaatay ayaa gaaraya 7 kooxood oo ka socda saddex gobol, kuwaasi oo kala ah;

Gobalka Bari

  1. Jubba Group Bosaso
  2. Dowladda hoose Bosaso

Gobalka Mudug

  1. Comsed Gaalkacyo
  2. Homboboro Gaalkacyo
  3. Somatel Gaalkacyo

Gobalka Nugaal

  1. SBC Garowe
  2. Horseed Garowe.

Balse, waxaa arrintaasi gaashanka ku dhuftay guddoomiyaha xiriirka Cabdishakuur Maxamed Yusuf (Alaale), oo sheegay in naadiyada la soo xulay aysan marin shuruudihii loo dajiyay, wuxuu sidoo kale tilmaamay in Xeerka xiriirku dhigayo in go'aamada soo baxaya ay saxiixo guddoomiyaha ama ku-xigeenka taasina aysan dhicin.

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhammaan tallaabooyinka loo maray xulista kooxahaasi, isagoo tilmaamay inaan arrintaasi hirgali doonin.

Khilaafkan, ayaa kusoo beegmay xilli la qorshaynayay inay lasameeyo kooxaha heerka koowaad ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM