​Puntland: Khilaaf ka taagan kooxo kubadda cagta oo lasoo xulay

Image
Image

GAROWE- Xiriirka kubadda cagta Puntand, ayaa maanta ku dhawaaqay liiska kooxo la sheegay inay ka mid noqonayaan kuwa heerka koowaad ee Puntland, waxaana arrintaasi shaaciyay xoghaya xiriirka Cabdulqaadir Cali (Juula).

Naadiyaasha la qaatay ayaa gaaraya 7 kooxood oo ka socda saddex gobol, kuwaasi oo kala ah;

Gobalka Bari

  1. Jubba Group Bosaso
  2. Dowladda hoose Bosaso

Gobalka Mudug

  1. Comsed Gaalkacyo
  2. Homboboro Gaalkacyo
  3. Somatel Gaalkacyo

Gobalka Nugaal

  1. SBC Garowe
  2. Horseed Garowe.

Balse, waxaa arrintaasi gaashanka ku dhuftay guddoomiyaha xiriirka Cabdishakuur Maxamed Yusuf (Alaale), oo sheegay in naadiyada la soo xulay aysan marin shuruudihii loo dajiyay, wuxuu sidoo kale tilmaamay in Xeerka xiriirku dhigayo in go'aamada soo baxaya ay saxiixo guddoomiyaha ama ku-xigeenka taasina aysan dhicin.

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhammaan tallaabooyinka loo maray xulista kooxahaasi, isagoo tilmaamay inaan arrintaasi hirgali doonin.

Khilaafkan, ayaa kusoo beegmay xilli la qorshaynayay inay lasameeyo kooxaha heerka koowaad ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM