Puntland: Khilaafka u dhexeeya Gaas iyo Camey muxuu salka ku hayaa?

Image

GAROWE- Madaxweyne Cabdiweli Gaas  iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf xoogan kaasoo sida warsidaha GO xogta ku heleyo salka ku haya arimo siyaasadeed iyo dhaqaale. 

Khilaafka u dhexeeya labada mas’uul ee ugu sareeya Puntland ayaa soo jirey tan iyo intii Barlamanada dowlada Federaalka Soomaaliya soo saareen qaraar ay ku sheegeen in dalka kaga mamnuucayaan shirkada DP World. Sida warasidaha GO ogaaaadey Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland  Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa taageerey go’aankaas fikrad ahaan.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo qaraarkaan ka hor yimid ayaa waxaa fashilmey qorshe uu rabey inuu qoraal uu ku diidan yahay in dalka laga saaro DP World golihiisa xukuumada soo saaro kadib markii ku xigeenka Puntland iyo koox wasiiro ah kuwasoo intooda badan kasoo jeedeen gobolka Sool, Cayn iyo Barri diideen.

Gaas ayaa baajiyey qoraal xukuumadiiisa soo saarto balse qaadey talaabooyin kale uu kaga horyimid go’aankii Dowlada Soomaaliya ay ku mamnuucaysay DP World iyadoo ku xigeenku arinkaa kaga jawaabey inuu joojiyo dhamaan xiriirkii shaqo uu  la lahaa Madaxwynaha Puntland marka laga reebo xaalada dagaalka ee ka jirta Tukaraq. 

” Madaxweyne ku xigeenka Puntland marka laga reebo eedeymaha la xiriira dhinaca dhaqaalaha ee uu u jeedinayo Mudane Gaas kuwasoo uusan qarsan ayaa hadana waxaa jira xiriirka uu la leeyahay Villa Soomaaliya.”  Sidaas waxaa GO u sheegey mid kamid ah xildhibaanada Puntland oo aad uga warhaya khilaafkaan.

Khilaafka labada mas’uul ayaa aad u soo shaacbaxey kadib markii bishaan May horaanteedii Madaxwehnaha Puntland safar dhulka ah uu ku yimid magaalada Garoowe kaas oo sidii caadiga aheyd ku xigeen Camey ka baaqsadey soo dhoweynta Cabdiweli Gaas. 

Dhinaca kale warsidaha GO ayaa ogaadey Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey in asbuucyadii lasoo dhaafey uusan tagin xafiiskiisa Madaxtooyada ku yaala isagoo sidoo kale ka baaqsadey ka qayb galka kulamada Madaxweynaha Puntland shir gudoominayo kuwasoo looga arinsado intooda badan dagaalka maamulka Puntland kula jiro Somaliland.

” Madaxweyne ku xigeenka waxaa uu la socdaa xaalada jiida hore, waxaa uu booqdaa ciidamada ku sugan degaanka Tukaraq halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada difaaca Puntland.” Sidaas waxaa GO u sheegey mid kamid ah xubnaha aadka ugu dhow ku xigeenka Puntland.

Waxaa jira eedeymo loo jeedinayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo ku xigeenka labaad ee Barlamanka kuwasoo ku aadan iney ka gaabiyeen saameynta siyaasadeed ay ku leeyihiin degaanada ay ka soo jeedaan ee gobolka Cayn.

Khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo Somaliland ayaa salka ku haya gacan ku haynta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn kuwasoo ay kasoo jeedaan xubno xillal sare ka haya labadaan maamul.

Warsaxafadeed Gaas ku qabtey Garowe horaantii May iyo Camey oo ka maqan

Xubnahaan ayaa dhinaca Somaliland waxaa kamid ah Wasiirka difaaca xukuumada Muuse Biixi oo kasoo jeeda gobolka Sanaag iyo Gudoomiyaha Barlamanka maamulka Hargeysa kasoo Degaan ahaan ka yimid gobolka Sool.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM