Puntland: Laba qadiyadood oo diirada la saarayo xal u helistooda

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaadey in xukuumadiisu ay bilooyinka soo aadan diiradda saari doonto sidii ay ula dagaalami lahayd Al-Shabaab iyo fayruska Corona.

Hadalka Deni ayaa wuxuu kusoo aadaya saacado kadib markii qarax is-miidaamin oo ka dhacay Garowe lagu dilay gudoomiyihii gobolka Nugaal, kaasoo ay dusha saaratay mas'uuliyadiisa Al-Shabaab.

"Waxaan bulshada Puntland dhamaan ugu baaqeynaa in ay gacmaha is-qabsadaan, in ay u diyaar-garoobaan dagaal aan dhamaad lahayn, oo mar walba taagnaanaya, maxaa yeelay horumarka mar walba wuxuu u baahan yahay sacyi iyo dedaal joogto ah, marba xeeladiisa leh," ayuu ka shanqariyey.

Wuxuu raaciyey: "Hadda waxaa na haysta waa Al-Shabaab iyo Coronavirus, labadaas ayaa waxay noo yihiin hortabinta koowaad oo dowladda Puntland iyo dadkeedu ay rabaa in ay iska caabiyaan, siddii horey ugu guuleysan jireen cadowyadda ayay uga guuleysan doonan, hadii Ilaahey idmo".

"Arrinta caafimaadka waa mid walwal badan nagu haysa, waa xanuun ilaahey naguma kee ka daran argagixiso kasta, wey adag tahay xakameyntiisu sidda aan ka arkeyno dalalka waxa hadda ka socdo," ayuu tilmaamay.

Iyaddoo xanuunka uu guud ahaan caalamka ku galaaftey in ka badan 30-kun, wadamada ugu tunka weyn caalamka ayaa ku guuldareystay in ay ka hortagaan geeri fara badan oo uu cudurku sababo.

Deni ayaa ku booriyey dadweynaha in ay qaataan talooyinka caafimaad si looga baaqsado khasaaraha baaxadda weyn.

Beesha Caalamka ayuu ku booriyey in ay ka qeyb-qaataan Sanduuqa Taakulada ka hortaga Covid-19 oo ay Puntland ay hirgelisay, kaasoo xukuumadda ay durba ku shubtay aduun lacageed dhan boqol kun.

Laamaha ammaanka ayuu ku tartarsiiyey in ay dhaqan-geliyaan amarada lagula dagaalamayo fayruska, isagoo dadweynaha dhankooda ku waaniyey in ay kala shaqeeyaan hay'addaha amniga fulinta awaamiirta.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ALLE ka baryey in uu guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland uusan soo gaarsiin cudurka isla markaana uu dhibaatadiisa ka dulqaado aduunka oo idil.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM