​Puntland: Lacag laga joojiyay wasaarada waxbarashada

Image

GAROWE- Midowga Yurub ayaa hakiyay lacag aan cadadkeeda la sheegin oo lagu taageeri jiray qaybta imtixaanaadka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland muddo ku siman 12-sano. 

Madaxa Imtixaanaadka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Axmed Maxamud Warsame "Saahid" ayaa cadeeyay inuu hakad ku yimi lacagtaasi, xilli uu maanta warbaahinta kula hadlay magalada Garowe caasumadda Puntland. Saahid, ayaa sheegay in wasaaraddu ku guul-darraysatay qaabkii EU-da looga dhaadhicin lahaa inay soo celiso taageerada waqtiga dheer, isagoo taa badalkeeda xusay in kharashaadkii dhabarka u ridatay wasaaraddu. 

Arrintaasi, waxay keentay in la kordhiyo lacagihii laga qaadi jiray Ardayda ku jirta dugsiga sare fasalka 4-aad iyo dugsiga dhexe fasalka 8-daad, waxaana laga dhigay $20 halka markii hore bixin jireen $15. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM