Puntland: Liiska Aqalka sare oo lagu dhawaaqay

Image

GAROWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa hadda Ku dhawaaqday liiska xubnaha u matalaya Aqalka sare ee dowladda Federaalka Somalia.

Madaxweyne Gaas ayaa muddo ku  mashquulsanaa soda uu usoo saari lahaa xubnahan oo ka kooban 11.

Liiskan iminka la shaaciyay ayaa ka kooban 22 xubnood, waxaa ka dhex muuqda Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole iyo Ra'isal wasaaraha waqtigu ka dhammaday ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake.

Waxaa sidoo kale xusid mudan inuusan liiskan kasoo muuqan Murashax Cali Xaaji Warsame oo loo badinayay inuu ka mid noqon doono xubnaha kasoo magacaabayo.

Dadka la shaaciyay ayaa la horgayn doonaa Barlamanka si ay cod ugu qaadan islamarkaana kusoo saarsan 11 qof oo noqon doona qoondadii Puntland ka heshay Madasha Wadatashiga.

Liiskan ayaa muddo laga sugayay madaxda maamul goboleedyada iyadoo waqti loogu daray todobaadkii hore.

Guddiga doorashooyinka dadban ee her Puntland ayaa maanta mar ay hadleen codsaday in xubnaha dhakhso loogu dhawaaqo maadama soda ay sheegeen waxba qaban Karin ilaa kasoo gudbiyo iyaga iyo Ergada.

Faah faahinta warkaan goordhow fill

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM