​Puntland: guddiga doorashada oo la magacaabey

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu shaaciyay liiska guddiga KMG ah ee doorashooyinka, kuwaasoo ka kooban 5 xubnood iyo xoghaynta guddigaasi. 

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jamac "Quran Jecel", ayaa liiska saxaafadd u akhriyay kadib shir jaraa'id oo ku qabtay Garowe, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ka dhabaynayso ballanqaadkii Madaxweyne Gaas. 

Xubnaha lagu dhawaaqay ayaa kala ah;

1. Cabdullaahi Cali Nuur 

2. Maxamed Cabdulle Farax 

3. Naciimo Cabdiraxmaan Gulleed 

4. Axmed Maxamed Cali "Kismayo" 

5. Maxamud Soofe Xassan 

iyo Maxamed Siciid Cumar (Xoghaynta Guddiga). 

Magacaabista guddigan, ayaa timi xilli xukuumadda madaxweyne Gaas muddo laga dhawrayay inay soo magacowdo guddiga doorashooyinka Puntland, si loogu gudbo nidaamka axsaabta badan, taasoo hakad ku yimi xilligii madaxweyne Farole. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM