Puntland: Liiska xubnaha cusub ee golaha Degaanka Dangorayo, muran ka taagan

Image

DANGORAYO- Waxaa Degmada Dangorayo oo ka tirsan gobolka Nugaal gudi ka socda dowlada Puntland kasoo saareen Liiska xubnaha cusub ee golaha Degaanka degmadaas. 

Xulista golaha Degaanka Degmada Dangorayo ayaa muran ka dhex dhaliyey Qabaa'ilka halkaas daga kadib markii ka isku qabtey magacaabista xubnaha.

Qabaa'ilka dega Degmada qaar ka tirsan ayaa dalbanayey in xubno loogu daro tirada golaha Degaanka oo ka kooban 21 xubnood.

Degmooyinka Puntland oo golayashooda Degaanka u qaybsan yihiin A iyo B iyadoo loo eegayo baaxada iyo tirada dadka ku nool ayaa xukuumada Madaxweyne Cabdiweli sharcigii u yiiley jabisey.

Degmooyinka A ayaa tirada golaha degaankooda waxaa uu ka koobnaa 27 xubnood Halka kuwa B loogu yeerey Xildhibanada ahaayeen 21. 

Sharcigaas ayaa xukuumada Puntland jabisay isagoo aan la horgeyn Barlamanka iyadoo degmooyin A iyo B oo la soo dhisey dhowaan xubno cusub lagu darey.

Talaabadaan ayaa dhiiri galisay in qaba' Ilka doonaan in golayaasha Degaanka ku darsadaan xubno dheraad ah taasoo keentey iney adkaato in la dhiso. 

Dhinaca kale Muranka ka taagan Degmada Dangorayo ayaa waxaa uu la xiriira kadib markii xubnaha dowlada ka socda lagu tuhmey iney xilkaan la rabaan xubin u taryameysa Duqa degmadaas.

Dhismayaasha golaha Degaanka Puntland ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey waxaa hareeyey muran iyo is-qab-qabsi kuwasoo qaarkood ku dhamaadey Maxkamad.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM