Puntland: Madaxdii hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah oo shaqada laga cayriyay

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxdii hay’adda shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland ayaa shaqadii laga eryay kadib markii lagu helay musuqmuusuq iyo inay hab qaldan u mari jireen nidaamka shaqaalaysiinta gaar ahaan boosask uu bixiyo Bangiga Adduunka.

Barlamanka Puntland ayaa todobaadkii hore u yeeray madaxda ugu saraysa hay’adda si wax looga weydiiyo eedaymo loo soo gudbiyay iyo cabasho ka imaanaysay dadweynaha.

Mudane katirsan Barlamanka Puntland ayaa GO u sheegay in shaqadii laga eryay xubno ay kamid yihiin Guddoomiyihii hay’adda Mustafe Siciid Shabac, ku xigeenkiisii Jaamac Xirsi Faarax iyo saraakiil kale.

Barlamanka Puntland ayaa sidoo kale shaqadii xafiiskaas hoos geeyay wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha taasoo laga codsaday inay sii wado shaqadii ay qaban jireen.

Dhinaca kale wasiir ku-xigeenka shaqada laga cayriyay Jaamac Xirsi Faarax ayaa sheegay in wax wada shaqayn ah aysan ka dhaxayn isaga iyo Guddoomiyahiisa, wuxuuna intaas ku daray in Guddoomiye Shabac uu yahay ninka eeda ugu badan qaadanaya dhibaatadana ka wada hay’adda.

''Hadaan anagu Wada shaqeyn waynay oo sharcigii lagu tuntay ma cabasho ka weyn baa jirta , waxaanu ka hadlayno waa dhib nahaysta iyo xanuun nahaya "Ayuu yiri.

Shabac ayaase eedayntaas codsaday in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.

Cabashada keentay in madaxdan shaqada laga cayriyo ayaa muddo dheer ka taagnayd gudaha Puntland, taasoo aysan madaxda ugu saraysa waxba ka qaban.

Musuqmaasuqa ayaa sare u kacay mudadii uu xafiiska joogay Madaxweyne Gaas, kaasoo saamayn ku faafay hay'adaha kala duwan ee dowladda islamarkaana ragaadiyay adeegyadii dadweynaha iyo howlihii danta guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM