​Puntland: Manhaj cusub oo dugsiyada hoose/dhexe lagu wareejiyay

Image

GAROWE- Wasaaradda waxbarashada Puntland, ayaa maanta manhaj cusub ku wareejisay dugsiyada hoose, dhexe, kadib munaasabad lagu qabtay xarunta wasaaraddaasi ee Garowe.

Xafladda lagu wareejinayay muqararkan, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiinta wasaaraddda, macallimiin iyo maamullayaasha dugsiyada hoose dhexe Puntland.

Cabdullaahi Yuusuf Xuuxuule oo kamid ahaa dadkii manhajkan wax ka qoray, ayaa tilmaamay inuu yahay muqarar xambaarsan faa'iidooyin badan islamarkaana dhalinyarada iyo Ardayda dugsiyada hoose, dhexe ku jira u saamaxa inay aqoonta sare raadsadaan iyagoo dhinac walba ka dhisan, taasoo uu sheegay inay Ardayga u fududaynayso inuu ku jaah-wareero waxyaabo badan oo dugsiyada sare iyo Jaamacadaha lagu qaato.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Abshir aw- Yuusuf Ciise, ayaa tilmaamay in manhajkan wasaaraddu kasoo baaraan dagtay, islamarkaana laga reebay wax kasta oo uusan qaadan karin Ardaygu.

Qaar kamid ah maamulyaasha ayaa la hadlay Radio Garowe, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin manhajkan lasoo kordhiyay, balse waxay wasaaradda ugu baaqeen inay tababar siiso macalimiinta islamarkaa dhamaystirtu manhajkan wixii ka dhiman.

Manhajkan, ayaa ka duwan kii hore ee laga dhigay dugsiyada hoose, dhexe ee Puntland, waxaana lagu soo kordhiyay maadooyin lagu baranayo Farshaxan iyo barashada Kombuyuutarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM