​Puntland: Markab deeq sida oo Bosaso kusoo xirtay [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay markab siday shixnad Raashin u socday Puntland, Galmudug iyo Gobolka Hiiraan kaasoo kusoo xirtay Dekedda Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Deeqdan oo ka timi waddanka Turkiga ayaa la sheegay inay gaarayso 3,500 oo tan kaasoo isugu jira Bur iyo Sonkor.

Wasiirka wasaaradda Dekedaha, gaadiidka Badda iyo la dagallanka Burcad Badeeda Puntland Cabdullaahi Jaamac ayaa Radio Garowe u sheegay in deeqdan la gaarsiin doono goobihii loogu talo galay, wuxuuna xusay in magaalada Bosaso ku suganyihiin mas'uuliyiin kasocota dhinacyada deeqdu khusayso.

Saalax ayaa sheegay in deeqdan 1,700 tan kamid ah iska leedahay dowladda Puntland halka Galmdug iyo Hiiraan leeyihiin 1,800 oo tan, wuxuuna intaas raaciyay in wali dajinteedu socoto.

Taakuladan ayaa Turkigu goobaha loo wado usoo mariyay dowladda Federalka Somalia, waxaana loogu talo galay in wax looga qabto baahiyaha soo wajahay dadka tabaalaysan ee ku sugan Puntland, Galmudug iyo gobolka Hiiraan oo muddo la daala dhacayay fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah waddamada sida gaarka ah u saacida Somalia, waxaana dhawaan magaalada Muqdishu la geeyay markab deeq siday kaasoo kasoo shiraacday magaalada Ankara.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM