​Puntland: Mashaariic xarigga laga jaray magalada Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta Feb-29-2016 waxaa uu xarigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Boosaaso gaar ahaan dhabarka masaajidka Darayle ee ku yaalla bartamaha suuqqa weyn ee Boosaaso.

Dhismaha jidkan oo gaaraya 600Mitir (lix boqol oo mitir), waxaana  iska kaashaday dhaqaalaha ku baxay ganacsatada reer Bosaso iyo dawladda hoose ee Degmadaasi.

Munaasabadda xarig  jaridda waddada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Bari, Duqa Degmada Bosaso, ganacsato iyo shirkada qaadatay qandaraadka lagu dhisayo wadadaasi.

Mas'uuliyiinta gobolka iyo degmada oo xafladda ka hadlay waxay sheegeen inay ku faraxsanyihiin daahfurka laamiga laga hirgalinayo xarunta ganacsiga Puntland, iyagoo wax lagu farxo ku tilmaamay qorshaha iskaa wax u qabsada ah ee shacabka Bosaso ku dhiiradeen.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo mashruuca xariga ka jaray ayaa bogaadiyay hormarka Puntland kasocda, wuxuuna tilmaamay in deeqaha caalamka ka wanaagsanyihiin kuwa kooban ee bulshada Puntland isku darsadaan si loo gaaro hadafyada la doonayo.

“Wax yar  oo aynu  innagu qabsano, waxa uu inooga khayr badan yahay wax-badan oo shiyeeshe ina siiyo,” Ayuu yiri Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha, waxa uu xarigga  kajaray Buundo hore u bur-burtay , taasoo si wada jir ah loo dhagax dhiga kahor intaan la furin garoonka diyaaradaha magalada Bosaso.

“Wax badan ayaa lagu yeeray in aan xadhigga ka jaro mashruuc lagu dhisay barnaamijka JPLG ee ay hay’adahu inaga caawiyaan, balse maanta farxad gaar ah bay ii tahay in aan xadhigga ka jaro mashaariic lagu dhisay Puntland haysku Tashato,” Ayuu yiri Eng. Camay.

Mudooyinkii dambe, waxaa magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, ku tallaabsanaysay hormarro baaxad leh oo u badan dhismayaasha jidadka, taasoo qaybtood lagu dhisay mashruuca hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM