​Puntland: Michael Keating oo Garowe yimid

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia ayaa soo gaaray magalada Garowe Caasumadda Puntland iyagoo kulan madaxtooyada kula qaaday mas'uuliyiinta ugu sarraysa Puntland. 

Soo dhaweyn kadib, Wakiillada ayaa loo gudbiyay xarunta Madaxtooyada halkaas oo ay saxaafadda ku lahadleen Madaxweyne Gaas iyo keating iyagoo xuseen inay safarkan salka ku hayo arrimaha la xiriira doorashada Somalia. 

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin imaanshaha wafdigan, isagoo tilmaamay inay kulamo la yeelan doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xukuumadda. 

“Waftigani waxay noogu yimaadeen in ay arkaan dareenka dadka reer Puntland hadday ahaan lahaayeen siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo bulshada rayidka si ay ugala hadlaan arrimaha ku aaddan geeddi-socodka nabadda Somalia iyo Hiigsiga doorashada,” Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas. 

Dhanka kale Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Michael Keating, ayaa ammaanay doorka Puntland ku leedahay siyaasadda Somalia, wuxuuna xusay inay ka munaaqashoon doonaan dhinacyada bulshada sida; Madax-dhaqameedyada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta waxyaabaha khuseeya doorashada  2016 hormarka waddanka Somalia. 

Waftigan oo maalmo joogi doona Garowe, ayaa waxaa  ka mid ahaa Danjirayaasha IGAD, Talyaaniga, Midowga Yurub, Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, iyadoo maalinta beri ah lafilayo inay Puntland soo gaaraan Danjirayaal  kale oo ka kala socda waddamada Somalia daneeya. 

Waxaana kulamadan socon doonaan saddex bari, iyadoo la filayo in Keating inta uu joogo Garowe bulshada, siyaasiyiinta iyo dowladda ku qanciyo habka la qaatay in lagu saleeyo doorashada dalka sannadkan ka dhici doonta. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM