Puntland: Mideynta iyo kordhinta dakhliga dowlada oo laga shiray

Image
Image
Image
Mas'uuliyiintii ka soo qeyb gashay kulanka ayaa bogaadiyey shaqadda madaxda Wasaaradda Maaliyadda.

GAROWE, Puntland - Degmada Caluula oo ka tirsan Gobolka Gardafuu ayaa lagu qabtay kulan looga hadlay kor u qaadida dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo xoojinta wada shaqaynta Hay'adda Dowladda.

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu Duqa Degmada Caluula,Duqa Degmada Bareeda,Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda Gobolka Gardafuu, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Dekeddaha, Maamulaha dakhliga Maaliyadd, khasnajiga Wasaaradda,
Madaxa Internal Audit-ka gobolka iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.

Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobolka Gardafuu Maxamed Axmed Jeeg ayaa madaxda Gobolka iyo Degmooyinka,Madaxda Wasaaradaha, Mas'uuliyiinta Degmooyinka iyo Saraakiisha ka codsaday in lagala shaqeeyo sidii Gobolka dhanka dakhliga Bada iyo Berriga kor loogu qaadi lahaa.

"Kulankan ayaa sido kale looga hadlay mideynta dakhliga iyo in la xoojiyo wada shaqaynta Hay'addaha Dowladda ee dhanka dakhliga," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda maaliyadda.

Mas'uuliyiintii ka soo qeyb gashay kulanka ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Mudane Xasan Shire Cabdi ku bogaadiyey dadaal kooda ku aadan in dowladdu hesho Dakhli ay dalka ku maamusho ayna garab istaagi donan.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM