Puntland: Musharax Madaxweyne oo tanaasulay, si uu ugu tartamo xil kale

Image

GAROWE, Puntland - Mid kamid ah Musharixiinta Puntland ayaa shaaciyay inuu ka tanaasuley tartanka xilka Madaxweynaha, isagoo isku soo taagey jago kale, waxaana uu ka qeybgalayaa doorashada 8-da bishan dhacaysa.

Sadiiq Eenow, ayaa u tanaasulay Dr Cali Ciise Cabdi, oo ah musharax kasoo jeedo gobolka Sool kaasoo bishii lasoo dhaafay dhamaadkeeda munaasabad uu ku qabtay Garowe uga dhawaaqay Musharaxnimadiisa.

Musharaxa ka haray loolanka Kursiga Madaxweynaha Puntland, Saadiq Eenow oo ka soo jeeda gobolka Karkaar, ayaa shaaciyay inuu u sharraxanyahay xilka Madaxweyne ku xigeenka.

Go'aanka Eenow ayaa kusoo beegmaya iyadoo gobolkiisa ay ka socdaan sanadkan musharaxiinta ugu badan ee doorashada Madaxtnimada Puntland, taasoo ay ku tartamayaan in ka badan 20 musharax.

Dr Saadiq Maxamed Axmed ‘Saadiq Eenow’ waa siyaasi xilal kala duwan soo qabtay, waxa uuna mar ahaa mushharax Madaxweyne, marna soo noqday Wasiirka Caafimaadka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM