Puntland: Nabadayn ka socotay Xadka Nugal iyo Sool [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Qorshe lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo ku dagaallamay xadka ay wadaagaan gobollada Nugal iyo Sool ayaa ka socota deegaan lagu magacaabo Maygaagle oo ku yaalla xadka labada gobol.

Sida uu Radio Garowe u sheegay Nabadoon Baashe Dhalaal, nabadaynta beelaha oo muddooyinkii dambe ka socotay deegaankaas ayaa bilaabatay shalay, waxaana gogosha dhigtay Beesha Cumar Maxamud iyadoo uu daah Furay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Arrimo hordhac ah ayaa la isku af-gartay in la hirgaliyo si nabad waarta loo dhex-dhigo labada beelood, waxana kamid ah in la joojiyo aanaysiga islamarkaan xalay dhalay laga noqdo wixii horay u dhacay.

Shirkan waxaa ka qayb galaya Nabadoonno ka socda gobollada Nugal, Sool, Sanaag iyo Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, sida uu sheegay Nabadoon Baashe.

"Wixii hadda wax marayaan in laga Xaajoodo, in si tolnimo leh wax lagu dhammaysto, in la isu samro oo xalay dhalay laga noqdo wixii horay u dhacay," ayuu yiri Nabadoon Baashe oo kamid ah xunaha ka qayb galaya waanwaanta ka socota Maygaale, wuxuuna intaas ku daray in la magacaabay guddi ka shaqayn doono sidii loo samayn lahaa nabad waarta oo ka dhex dhalata labada beelood, kuwaasoo muddooyinkii dambe ay dhex-taalay dakano sababtay dhimashada dad tiro badan oo labada dhinac kasoo jeeda.

Sannadkii hore dhammaadkiisa dagaal ka dhacay halka lagu magacaabo Cagaare oo u dhaxeeyay labada dhinac waxaa ku dhintay in kabada 10 ruux, taasoo sababsatay dilal labada dhinac isu gaysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM