Puntland: Natiijada Imtixaanka Dugsiga Sare oo la shaaciyay

Image

GAROOWE, Puntland- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaanka Dugsigayada sare oo ay wasaaraddu qaatay horaantii bishii May ee sannadkan.

Xaflad ka dhacday xarunta wasaaradda ayaa lagu shaaciyay natiijada Ardaydu ka keeneen imtixaanka, waxaana weheliyay magacyada 10 Arday ee galay kaalimaha sar sare.

Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka wasaaradda waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Warsame oo ka hadlayay marxaladihii uu soo maray imtixaanku ayaa sheegay in sixitaankiisa kaliya uu qaatay muddo bil ah loona xilsaaray macalimiin iyo khubaro aqoon durugsan u leh howshaas.

Wuxuu xusay in lagu bixiyay waqti iyo juhdi badan si Arday walba sidii arday walba u helo caddaalad ku salaysan aqoontiisa.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Abshir Yuusuf Aw-ciise ayaa hambalyo u diray dhammaan arday ku baastay Imtixaanka, wuxuuna ugu baaqay inay sii wadaan waxbarashadooda.

Yuusuf ayaa sidoo kale xusay in wasaaraddu mar kasta u taagantahay sidii ay kor ugu qaadi lahayd tacliinta Ardayda, si bulshadu u gaarto hormar.

Dhinaca kale wasiirka ayaa goobta ka akhriyay magacyada Tobanka Arday ee galay kaalimaha sare iyo Iskuulaadka ay ka tirsanaayeen.

In kabadan 15kun oo Arday ayaa sannadkan u fariisatay Imtixaankii laga qaaday Ardayda dhigata Dugsiyada sare iyo hoose ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM