Puntland oo 11 qodob kasoo saartay xiisadda Tukaraq [Akhriso]

Image

GAROOWE, Puntland- Guddiga Difaaca Puntland oo maanta shir-saxaafadeed ku qabtay magaalada Garoowe ayaa soo saaray qodobo cusub oo ku aadan xiisadda ka taagan gobolka Sool gaar ahaan degmada Tukaraq, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamo katirsan Puntland iyo Somaliland.

Xubnaha Guddiga Difaaca oo kala ah; Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Wasiir dowlaha Madaxtooyada iyo xiriirka golayaasha, ayaa saxaafadda u sheegay in Puntland ay ka go'antahay xoraynta gobolka Sool iyo deegaanada kale ee ka maqan maamulkan.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland, Axmed Cabdullaahi Dowlad, ayaa warbaahinta u akhriyay qodobada kasoo baxay guddiga ee taabanaya dhaq-dhaqaaqyada ka socda Tukaraq, isagoo sheegay in cid kasta oo kasoo horjeesata howlgalka lagu xoraynayo dhulka maqan ay noqonayso dambi qaran.

Puntland ayaa sidoo kale war-saxaafadeedkaas ku sheegtay inay abaalmarin siin doonto cid kasta oo taliye ama mas'uul kale ah oo kasoo baxda Somaliland.

Qoraalka ayaa xusaya in cid kasta oo lagu helo Basaasnimo iyo inuu xogsiiyo Somaliland lagu ciqaabi doono dil toogasho.

Dowlad ayaa intaas ku daray in qof kasta oo taliye, Askari iyo Mas'uul kasoo jeeda Puntland balse la safta Somaliland oo dagaalka ku dhinta uusan yeelan doonin godob iyo mag intaba.

War-saxaafadeedkan ayaa Puntland ku sheegtay inaysan duulaan ku ahayn shacabka daga gobollada Waqooyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM