Puntland oo Aas Qaran u sameysay wasiir u geeriyooday Coronavirus

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa galabta ka qeybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariiste Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise oo saaka ku geeriyooday Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa faray Wasaaradda Cadaaladda iyo Madaxtooyada in ay la socdaan hadii ay jirto wax deyn ah oo lagu leeyahay marxuumka si loo bixiyo, wuxuu sidoo kale ka codsaday bulshada in lasoo cafiyo marxuumka, isagoo alle uga baryay inuu geeyo jannatul fardowsa ehelkii iyo qoyskiisina samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM