Puntland oo Aas Qaran u sameysay wasiir u geeriyooday Coronavirus

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa galabta ka qeybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariiste Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Maxamed Xasan Ciise oo saaka ku geeriyooday Garoowe.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa faray Wasaaradda Cadaaladda iyo Madaxtooyada in ay la socdaan hadii ay jirto wax deyn ah oo lagu leeyahay marxuumka si loo bixiyo, wuxuu sidoo kale ka codsaday bulshada in lasoo cafiyo marxuumka, isagoo alle uga baryay inuu geeyo jannatul fardowsa ehelkii iyo qoyskiisina samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM