Puntland oo amar dul dhigtay ciidamada ku sugan kontaroolada

Image

GAROWE, Puntland - Gobolada Puntland waxaa ka bilowday qaadista cashuuraha gaadiidka si dakhliga dalka kor loogu qaado Dawladduna u gudato waajibaadkeeda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ahna Gudoomiyaha guddiga dib-u-habaynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay Cashuuraha gaadiidka.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa u waramay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

"Ilaahay ayaa mahadi u sug-naatay oo nasiiyay nabad galyada aynu haysano, marka aan u soo laabto waxaa bilowday ololihii cashuuraha gaadiidka Bulshada reer Puntland ee wanaagsan, waxaan u soo jeedinaynaa in aad bixisaan Cashuuraha idinku waa jibay lana shaqaysaan Ciidmada iyo shaqaalaha Dawladda".

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland oo sii hadlaya ayaa ku daray;

"Dawladda uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go'an in Puntland laga sameeyo hurumar ku aadan Ciidamada, Caafimaadka, Sugida Amniga, horumarinta Kaabayaal dhaqale iyo in shaqo abuur loo sameeyo Dhalinyarada intaasina waxa ay ku iman karaan garab istaaga Dawladda iyo Bixinta Cashuuraha Bulshada ku waa jibtay"

Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Maaliyadda, ayaa amar dul dhigay ciidamada Dawladda ee ku sugan baraha kantarool ee dalka.

"Ciidamada ilaaladda Cashuuraha waxaan faraynaa in aan lasii dayn karin gaari aan cashuurnayn midna ogaada waanu la soconaa goob kasta dhaq dhaqaaqeeda," ayuu xusay.

Wasiir Xasan oo u muuqda mid kalsoonida badan qaba ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Waxaana raynaynaa in aad guda taan waa jibaad ka shaqo ee laydiin igmaday".

GO + Wasaarada Maaliyadda Puntland

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM