Puntland oo amar dul-dhigtay hay'addaha shaqaalaysiiya ajaaniibta

Image

GAROWE, Puntland – Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa fartay shirkadaha, goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay iyo hay'addaha caalamiga ee ka howlgala in ay soo gudbiyaan xogta howlwadeenadooda.

Sidda ku cad war-saxaaafadeed kasoo baxay wasaaradda, xarumahaasi ayaa laga doonayaan in ay kusoo gudbiyaan macluumaadkaasi muddo bil ah oo ka bilaabaneysa 14-ka May illaa iyo 14-ka 2019.

Xogta la doonayo oo ah heshiisyada shaqo, CV-yadda iyo Dal ku galka ayaa si gaar ah waxaa looga baahan yahay shaqaalaha ajnabiga ah, sidda laga soo xigtay bayaanka.

Wasaaradda oo sidoo kale u digtay hay’addahaasi in sifo aan sharci ahayn ay shaqaalaysiiyaan shaqsiyaad shisheeye ayaa ku tartarsiisay in ay kusoo war-geliyaan wasaarada kahor inta aysan dalka keenin.

Go’aankaan ayaa imaanaya xili bishii hore madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ka dhawaajiyey in xukuumadiisa ay xakameyn doonto shaqaalaha ajaaniib ah si kuwa wadaniga ah ay fursad u helaan.

Puntland, maamul dhisan in ka badan 20-sano isla markaana amni badan uu ka jiro, ayaa sanadihii u dambeeyay waxa uu soo jiitay shaqaalo ajaaniib ah, inkasta oo ay daaqada kala baxaan dhalinyarada dalka wax ku baratay.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM