Puntland oo Bandow ku soo rogtey magaalooyinka waaweyn

Image

GAROWE - Kulan degdeg ah oo maalintii shaley 29/03/2020 isugu yimaadeen Madaxweynaha, golihiisa wasiirada, taliye-yaasha ciidamada iyo la taliyaasha amniga ayaa waxaa ka soo baxey labo iyo toban qodob oo lagaga hortagayo faafida cudurka Coronavirus.

Shirkaan oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa lagaga hadlay sidii loo joojin lahaa faafida cudurka faraha ba'an ku haya adunka COVID-19 iyadoo talooyin kala duwan laga dhageystey hay'adaha kala duwann ee dowlada.

Warsaxafadeed ka soo baxey xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa dhamaan lagu jooiyey dhaqdhaqaaqa dadka inta u dhaxeysa Lixda Makhribnimo iyo Shanta aroornimo April 1-April 15 iyadoo dhamaan la xanibay isu-imaatanka dadweynaha iyo isu socodka gadiidka qaada shacabka kuwaas u kala socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland muddo Shan iyo toban cisho ah.

Dhinaca kale waxaa amar lagu soo saarey in lagu gubo hadii lagu arko magaalooyinka gudahooda Qaadka iyadoo in muddo ah dhinaca lugta ah mandooriyahaan ku soo galayey Puntland isagoo maalmihii ugu dambeeyey ka imaanayey dalka Itoobiya.

Qodobada shirkaan ka soo baxey oo lagu faafiyey bogga Madaxtooyada Puntland ku leedahay barta Facebook ayaa u qoraa sidatan:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM