Puntland oo beenisay in ajaaniib lagu haystay xeebaha Boosaaso

Image

GAROWE, Puntland – Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xeebaha Boosaaso lagu haystay shaqaale u kala dhashay wadamadda Kenya iyo Thailand ayaa waxaa markii ugu horeysay ka hadashay dowladda Puntland.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda Garowe ayaa wuxuu "been abuur" ku tilmaamay sheegashooyinka ku aadan in kalluumeysatadaasi "si qasab ah loogu shaqeynsayay".

"Arrintaasi waxaan halkan ka caddeynaynaa in aysan jirin sida loo sheegay, aysana jirin shaqaale u dhashay Kenya ama Thailand oo xoog loogu haystay xeebaha Puntland, gaar ahaan Boosaaso," ayuu yiri.

Faarax Maxamuud Cawaash oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Garowe ayaa hoosta ka xariiqay in howladeenadaasi ay cabasho ka keeneen shaqadda, taasi oo keentay in ay codsadaan in dalkooda lagu celiyo.

Shaqaalaha u dhashay Thailand oo ahaa 18 lana shaqeynayey doon kalluumeysi oo lagu magacaabo Wadani 1 ayaa ku jira qandaraas laba sano ah, kaasi oo qalinka lagu jiiday bishii October.

Inkasta oo uusan wasiirku soo bandhigin nooca tabashadda, haddana warbaahinta ayaa ku sheegtay in howsha oo ku badatay, cuno iyo biyo yari si lamid ah gunooyinkooda oo aanan la siinin.

Kalluumeysatada u dhalatay Kenya oo tiradooda ay gaareysay 13 ayaa iyagana waxay la shaqeynayeen doon kalluumeysi oo magaceeda lagu sheegay Marwan 1, isla markaana ay haysteen qandaraas sanado ah.

Labadaasi doon kalluumeysi ayaa waxaa leh ganacsato Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland ah, sidda uu ka dhawaajiyey Wasiir Faarax, oo tibaaxay in ajaaniibta la siiyey mushaharkooda.

"Ma jiri karto shaqaale ajnabi ah oo xoog ama qasab loogu haysan karo xeebaha ama magaalooyinka Puntland," ayuu tibaaxay, isagoo ku daray "Tobban sano ayaa Puntland ugu dambeysay burcad-badeed, kamana dhici karto".

Shaqaalahan oo haatan dalalkooda hooyo ku kala sugan ayaa waxaa laga kala dhoofiyey magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe kadib markii dalab uu ka yimid safaaradahooda Soomaaliya iyo Kenya.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM