Puntland oo beenisay in ay cagaf-cagaf ka heshay dowladda federaalka

Image
Tani ayaa waxay muujineysaa in mashruucan lagu marin-habaabiyo bulshada Soomaaliyeed.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u beenisay inay wax ka ogtahay iibka iyo habraaca loo maray labada (2) cagaf-cagaf ee saambada beeraha ah oo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DFS ay shalay ku sheegtay inay loogu talagalay beeraleyda Degmada Iskushuban ee Puntland.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland ayaa tilmaamtay in aysan la soo wadaagin wax macluumaad ah oo ku saabsan mashruuca SCRP ee Bangiga Adduunka.

Tani waxay muujineysaa in mashruucan lagu marin-habaabiyo bulshada iyadoo lagu xadgudbayo nidaamka federaalka ee ku saleysan Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee 2012.

Wasaaradda waxay si adag ugu baaqday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DFS inay raacdo nidaamka sharciyeysan, ayna latashi iyo wada-xaajood la sameyso Dawladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, gaar ahaan arrimaha kaalmada iyo mashaariicda horumarineed ee lagu taageerayo beeraleyda.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada kala duwan ee ay khuseyso inay meel uga soo wada-jeestaan hab-dhaqanka khaldan ee lagu siyaasadeeyo mashaariicda horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM