Puntland oo beenisay in dhalinyaradeeda ku biiraan Daacish [Dhagayso]

Image

10 September, 2015(GO)-Dowlada Puntland ayaa beenisay warar laga baahiyay warbaahinta Somalida qaarkeed kuwaas oo sheegayay in dhalinyaro ka soo jeeda Puntland loo qaaday dalka Yemen si ay uga mid noqdaa ururka Daacish.

Waalidiinta ayuu sheegay inay ku fashilmeen ilaalinta caruurtooda, balse waxa uu qirey in doon ka baxday Puntland ay qaaday tiro yar oo dad ah.

Ciidamada amniga Puntland ayuu Soocade sheegay inay tageen goobta la sheegay in wax laga tahriibiyo isla markaana ku daba jiraan qaar ka mid ah dadkii doonidaasi waday oo u baxsaday dhanka barriga.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo la hadlayay BBC-da waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Puntland laga tahriibiyo dhalinyaro.

Soocade oo wax laga weydiiyay dhalinyaro dooni ka raacay xeebaha gobolka Bari oo u amba baxday dalka Yemen ayuu sheegay inay tahriib u socotay balse aysan qorshohoodu ahayn inay u dagaalamaan Daacish isla markaana ku biiraan.

Puntland ayuu ku sheegay inay tahay halka Somalia ugu adag in laga tahriibo dhalinyarada.

Hadalkan aya imaanaya xilli shalay qaar ka mid ah walidiinta caruurtoodu maqantahay sheegeen in loo qaaday Yemen si looga dhigo Askar u dagaallanta xoogaga mintidiinta ah ee ka dagaalama dalkaasi Yemen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM