Puntland oo beenisay warar laga faafiyey kiiska Caasha Ilyaas

Image

GAROWE, Puntland – Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa waxay si adag u beenisay warar la faafiyey oo ku saabsan in lasii daayey raggii loo xukumay kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaasi Aadan.

Saddex shaqsi oo laba kamid ah ay walaalo yihiin kuwaasi oo midkood uu dambiga qirtay ayaa dil toogasho loogu xukumay gal-dacwadeedkan oo soo maray dhamaan hay’adda kala duwan garsoorka.

"Rag daba dhigtay kiiska Caasha ayaa You Tube-ka la wareegay laaluush baa la qaatay waa lasii daayey raggii, waxba ka jiraan arrintaasi," ayuu yiri Maxamuud Xasan Ow-Cismaan, xeer-ilaaliyaha Puntland.

Caasha oo ahayd Inan 12-jir ah ayaa lagu faroxumeeyay Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, bishii Febraayo ee sanadkan, kahor inta aan la afduuban oo jirdil iyo garaacis aan la isugu darin.

"Kiiskaan dhamaan hay’addihii sharciga waa uu soo maray kaliya fulin ayuu sugayaa," ayuu ku daray. "Raggaasi waa la hayaa, xabsi adag ayeyna ku jiraan, mana baxsan, lamana sii deyn," ayuu ku daray.

Go’aanka dilka toogashada ah ayaa garka loo geliyay saddexda qof ka gedaal markii lagu helay caddeymo ku aadan dheecaano laga qaadey kuwaasi oo muujiyey in ay la falgaleen gabadha yar.

"Insha Allah, goortuu ALLE idmo ayaa lagu fulin doonaa," ayuu ku jawaabay markii Puntland State Tv uu waydiiyey goorta sida rasmiga loogu fulin doono xubnahan xukunka aadka looso dhaweeyay ee lagu riday.

Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaha ayaa waxa uu tibaaxay in geedi u socodka sharciga ay ku jiraan laba gal-dacwadeed kale oo ka kala dhacay Burtinle iyo Garowe, kuwaasi oo la xiriira kufsi iyo dil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM