Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye
GAROWE – Dowladda Puntland ayaa si adag u beenisay warbixin ay faafisay warbaahinta Middle East Eye, taas oo ay ku sheegtay in garoonka diyaaradaha Boosaaso loo adeegsado howlgallo la xiriira dagaalka ka socda dalka Sudan, isla markaana lagu sheegay in saldhigyo qarsoodi ah oo ay Imaaraadka Carabta maamulaan ku yaallaan gudaha Puntland.
Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday in duulimaadyo “xamuul ah” oo u kala goosha Boosaaso iyo galbeedka Sudan ay qeyb ka yihiin silsilad hawlgallo lagu taageerayo dhinacyada isku haya dalka Sudan. Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan duulimaadyo u kala goosha labada dal, balse uusan xaqiijin cidda masuulka ka ah.
Dowladda Sudan ayaan gabi ahaanba wax qoraal ah ama eedeyn ah ka soo saarin eedeymahaan loo jeedinayo dalka Soomaaliya in looga duulo dalka Sudan.
Hase yeeshee, Puntland ayaa xalay soo saartay war-saxaafadeed rasmi ah oo ay ku caddeysay in eedeymahaas yihiin kuwo been abuur ah, isla markaana loogu talagalay in lagu sumcad dilo maamulkeeda. Puntland waxay sheegtay in aysan jirin wax ciidan ama hub sharci darro ah oo ka howlgala gudaha deegaannadeeda, iyadoo xustay in garoonka iyo dekedda Boosaaso ay ku shaqeeyaan nidaamka maamulka iyo sharciyada gobolka.
“Dowladda Puntland waxay si cad u beenineysaa inay wax lug ah ku leedahay dagaalka socda ee ka socda dalka Sudan iyo in garoonka Boosaaso looga dhoofiyo waxyaabo lagu lug yeelanayo dagaalkaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland.
Maamulka Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay qayb ka tahay “olole marin habaabin ah oo lagu dhaawacayo sumcadda Puntland”, isagoo ku tilmaamay wararka faafay kuwo lagu daboolayo fashilka dowladda federaalka ee amniga iyo siyaasadda gudaha.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland aysan aqbalayn in gudaha deegaannadeeda lagu duulo ama lagu soo dejiyo wax aan la ogeyn, isla markaana ay la shaqeyso dhammaan saaxiibada caalamka si loo xaqiijiyo hufnaanta amniga hawada iyo badda. Puntland waxay ku mahadisay dowladaha saaxiibka la ah sida Mareykanka, Imaaraadka, Itoobiya, iyo Kenya — kuwaas oo ay sheegtay in ay garab u yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada ka socota buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari.
“Puntland waa dowlad kamid ah Federaalka Soomaaliya amni iyo xasillooni ku dhisan, mana aqbali doonto in lagu eedeeyo wax aysan qayb ka ahayn,” ayuu sii raaciyay qoraalka dowladda Puntland.
Sidoo kale, dowladda Imaaraadka ayaa taageerta ciidanka PMPF (Puntland Maritime Police Force) oo qayb weyn ka qaata dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Cal-Miskaad, taas oo sababtay in kooxihii Daacish laga saaro aagag badan oo buuraley ah.
Dhanka kale, Middle East Eye oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaa lagu eedeeyaa in ay qayb ka tahay ololaha warbaahineed ee dagaalka siyaasadeed “geopolitics” ee ka dhex jira dalalka ku loolamaya saameynta gobolka, gaar ahaan dagaalka Sudan oo ay ku lug leeyihiin quwadaha Carabta iyo kuwa reer Galbeedka. Xeel-dheerayaasha siyaasadda gobolka ayaa tilmaamay in MEE ay noqotay madal lagu muujiyo dagaal xog-wareed oo u dhexeeya dalalka is-haysta ee gobolka Geeska Afrika iyo Khaliijka.
Wargeyska Middle East Eye ayaa ka shaqeeya dad Soomaali ah oo xiriir la leh Villa Somalia, iyadoo warbixino badan oo hore loo daabacay lagu arkay mowqifyo u janjeera dhanka dowladda federaalka.
Sidoo kale, warbaahintaas ayaa la sheegay in laga mamnuucay dalal badan oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta, Masar, Sucuudi Carabiya, Bahrain, iyo Jordan, iyadoo lagu eedeeyay inay qayb ka tahay olole warbaahineed oo saameyn ku leh siyaasadaha gobolka iyo xiriirka dalalka Khaliijka.
Hadalkii wasiirka gaashaandhigga ee uu ku sheegay in ay jiraan diyaarado ka taga Boosaaso oo taga dalalka Sudan, Chad, iyo Niger ayaa dad badan u arkeen inuu si toos ah u eedeynayo dalkii uu wasiirka u ahaa. Puntland ayaa ah maamul goboleed kamid ah Federaalka Soomaaliya.
GAROWE ONLINE