Puntland oo beenisey in ay faragelin ku hayso deegaannada Galmudug

Image

August 18, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa ka jawaabtey eedeyn uga timid maamulka Galmudug, kadib markii Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas oo BBC-da la hadlay sheegay, in Puntland taageerayso Ahlu Sunna, kuna howlan tahay sidii ay colaad uga hurin lahayd deegaannada Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-Cadde oo isna waraysi gaar ah siiyey BBC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug.

"Annagu wax fara gelin hoose ah oo aan gobolladaas dhexe ku leenahay ma  jirto, waana been la buun buuniyey iyo sheki...xumaan noo dhexeysa annaga iyo Ahlu Sunnana ma jirto"

Wasiir-Soo Cadde ayaa mar kale ku celiyey in Puntland aqoonsaneyn maamulka Galmdug islamarkaana aysan wax wadahadal ah la furi doonin.

Sababta mar uu sharraxayey, wuxuu sheegay in maamulka Cadaado yahay maamul dhismihiisa aan loo marin qaabkii sharciga ahaa oo "gacan-ku-rimis" ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Aanagu cidda aanu kala hadleyno gobollada dhexe ma ahan raggii diyaaradaha lagu keenay...marna Prof. Cabdiweli iyo wasiirradiisu hor fariisan mayaan kooxda Cadaado joogta ee aan dastuurka waafaqsaneyn"

Khilaafka Puntland iyo Galmudug ayaa cirka isku shareeyey kadib markii la ansixiyey dastuurka Galmudug oo dhigayey in xuduudka waqooyi ee maamulkaasi ku egyahay gobolka Nugaal, inkastoo markii dambe qodobkaas wax laga bedeley.

Dhismaha maamulka Galmudug ayaa sababay in uu xumaado xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM