Puntland oo bilaabaysa howlgal lagu soo furanayo markabka afduuban

Image
Markabkan kalluumeysi ayaa laga leeyahay Shiinaha waxaana saaran 18 shaqaale ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada amaanka Puntland ayaa isku diyaarinaya in ay bilaabaan howlgal ay ku soo furanayaan markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha iyo 18-shaqaale ah oo la socday, kaasi oo ay kooxo burcad badeed Soomaali ah ku haystaan xeebaha degmada Eyl.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in maamulku uu si adag uga soo horjeedo in la bixiyo lacagta madax furashada ah, isla markaana uu fasaxay howlgal hubeysan, haddii burcadbadeeddu ay diidaan in si nabad ah lagu sii daayo markabka iyo shaqaalaha saaran.

"Shirkadda markabkan iska leh ayaa sidoo kale lagu wargeliyay inaysan wax gor-gortan ah la geli doonin burcadbadeedda," ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ganacsatada Puntland ee xiriirka la leh howlaha kalluumeysiga ee markabka ay isku dayaan inay dhexdhexaadiyaan xal nabadeed. Si kastaba ha ahaatee, burcadbadeedda ayaa la sheegay inay diideen madaxfurasho lacageed oo dhan 1-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Markabka ayaa Jimcihii ku soo dhawaaday xeebta ku dhow Eyl muddo kooban balse waxaa dib ugu celiyey burcad badeeda, iyagoo ka baqaya iska horimaad dhexmara ciidamada ilaalada xeebaha Puntland. Atalanta ayaa xaqiijisay in shaqaalihii markabka ay weli bad qabaan oo aysan dhaawacmin, waxayna xustay inay si dhow ula socdaan xaaladda.

Dhacdadan ayaa noqonaysa dib u soo cusboonaatay burcad badeedda Soomaalida kadib in muddo ah hoos u dhac uu ku yimid.

Bishii Maarso, burcad-badeed Soomaali ah ayaa afduubtay markab xamuul oo laga leeyahay Bangladesh oo siday in ka badan 55,000 oo tan oo dhuxul ah, kana yimid Mozambique kuna sii jeeday Imaaraadka, taas oo muujinaysa soo noolaynta amni-darrada badda ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM