Puntland oo bilowday diiwaan-gelinta ciidamada gobolka Sanaag

Image

BADHAN, Puntland - Masuuliyiinta Puntland ee shalay gaaray magaalada Badhan ayaa maanta daah-furay-dib u-habaynta ciidamada Booliska iyo Asluubta gobolka Sanaag.

Afhayeenka baarlamaanka, wasiiradda Maaliyadda, Ammaanka, Waxbarshada iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ayaa ayaa kamid ahaa madaxdii kasoo muuqatay munaasabadda.

Madaxda oo xafladda ka hadashay ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay dib-u-habeynta, waxayna ku nuux-nuux sadeen in ay meesha ka saareyso caqabado horey u jiray.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen in askarta looga baahan yahay in ay soo xaadiraan diiwaan-gelinta maadaama ay muhiim u tahay mustaqbalkooda iyo dalkaba.

Si lamid ah, saraakiisha kala duwan ee ku howlan diiwaan-gelinta casriga ah ee ciidamada ayay ku booriyeen in ay shaqadooda u gutaan si wanaagsan.

Puntland ayaa horey ugu guuleystay diiwaan-gelinta ciidamadda ku sugan gobolada Karkaar iyo Nugaal.

Dhib u habaynta ciidamada ayaa qayb ka ah qorshaha xukuumadda uu hogaamiyo madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni ee tayeynta iyo tirakoobka Ciidamada Difaaca dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM