Puntland oo bilowday diiwaan-gelinta ciidamada gobolka Sanaag

Image

BADHAN, Puntland - Masuuliyiinta Puntland ee shalay gaaray magaalada Badhan ayaa maanta daah-furay-dib u-habaynta ciidamada Booliska iyo Asluubta gobolka Sanaag.

Afhayeenka baarlamaanka, wasiiradda Maaliyadda, Ammaanka, Waxbarshada iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ayaa ayaa kamid ahaa madaxdii kasoo muuqatay munaasabadda.

Madaxda oo xafladda ka hadashay ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay dib-u-habeynta, waxayna ku nuux-nuux sadeen in ay meesha ka saareyso caqabado horey u jiray.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen in askarta looga baahan yahay in ay soo xaadiraan diiwaan-gelinta maadaama ay muhiim u tahay mustaqbalkooda iyo dalkaba.

Si lamid ah, saraakiisha kala duwan ee ku howlan diiwaan-gelinta casriga ah ee ciidamada ayay ku booriyeen in ay shaqadooda u gutaan si wanaagsan.

Puntland ayaa horey ugu guuleystay diiwaan-gelinta ciidamadda ku sugan gobolada Karkaar iyo Nugaal.

Dhib u habaynta ciidamada ayaa qayb ka ah qorshaha xukuumadda uu hogaamiyo madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni ee tayeynta iyo tirakoobka Ciidamada Difaaca dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM