Puntland oo bogaadisay guusha Ilhaan ee doorashooyinka Mareykanka

Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida Mareykanka guulaha ay ka gaareen doorashooyinka hordhaca ah, waxaana uu hambalyo u diray Ilhaan Omar, Omar Fatah iyo Jamaal Osmaan.

Ilhaan Omar ayaa markale ku guuleysatay inay Xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro Doorashada November. Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee Gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osmaan uu isna ku guuleystay degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood reer Puntland ah, wuxuuna u rajeeyay guul waarta inay ka gaadhaan doorashooyinka dambe ee ay ku gaadhayaan himiladooda, Madaxweynaha ayaa ku booriyey inay dedaalka sii laba jibaaraan si ay uga gun gaadhaan yoolkooda, taasi oo guul u ah dhamman ummadda Soomaaliyeed.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM