Puntland oo cambaareysey weerarkii baska ee Degmada Mandheera

Image

November 24, 2014 (GO)- Dowladda Puntland ayaa cambaareysey weerarkii dadka badan lagu laayey ee kooxda Al-shabaab ka geysatey degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay in falkaasi ahaa xasuuq waxashnimo ah islamarkaana meel ka dhac ku ah mabaadi'da Islaamka iyo bini aadamnimada.

Gaas ayaa docda kale tacsi u diray dowladda iyo shacabka Kenya gaar ahaan qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii weerarkaas lagu diley.

Sidan oo kale waxaa weerarkaas horay ugu cambaareeyey Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka iyo weliba ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Weerarka oo lagu diley 28 qof oo macalimiin u badnaa kuwaasoo lagala degey gaari bas ah xilli ay kusii jeedeen magaalada Nairobi kadibna tacshiirad lagu furay, waxaa mas'uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM