Puntland oo cambaareysey weerarkii Central Hotel

Image

February 21, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa si kulul u cambaareysey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Al-shabaab la beegsatay shalay oo Jimce ahayd hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Camey oo xalay madaxtooyada Garowe war-fidiyeenka kula hadlay ayaa weerarkaas ku tilmaamay fal argagixiso.

"falkaasi fal argagixiso weeye, waxayna cadaynaysaa dabeecadda runta ah ee ay leeyihiin Al-shabab...Soomaali haddaan nahay waxaa nala gudboon inaan meel uga soo wada jeedsanno" Madaxweyne Gaas ayaa yiri.

Madaxweynuhu wuxuu dhanka kale tacsi u direy ehelada dadkii weerarkaas ku geeriyoodey isagoo inta dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Weerarka waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan labaatan iyo shan qof waxaa sidoo kale la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen ku dhowaad konton qof oo kale.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, qaar horay xilal uga soo qabtey iyo siyaasiyiin caan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM