Puntland Oo Ciidamo Cusub U Daabushay Buuraha Cal-Miskaad

Image

BOOSAASO, 08 December 2025 – Dawladda Puntland ayaa billowday inay ciidamo cusub ku daadgureyso buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo uu ka socdo hawlgalka “Hillaac” ee lagu jebiyay kooxda Daacish.

Boqolaal askari oo cusub ayaa la geeyay togga Baallade iyo tuulooyin kale, iyagoo beddelaya cutubbo muddo sannad ah ku jiray hawlgalkan. Saraakiisha ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay iman doonaan ciidamo kale oo dhawaan tababarkooda ku dhammaystay magaalada Badhan.

Hawlgalkan, oo markii hore loo qorsheeyay in lagu soo afjaro bisha December ee 2025, ayaa galay marxaladdiisii ugu dambeysay, iyadoo kooxda Daacish lagu dabagalayo xilli aysan hadda heysanin saldhigyo joogto ah ama deegaan ay xoog ku leeyihiin.

Saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca Puntland ayaa u xaqiijiyey HM in hawlgalku sii socon doono “ilaa xubinta ugu dambaysa ee kooxda Daacish la dilo ama la soo qabto.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM