Puntland oo daahfurtay “todobaadka dhiiragelinta cunista kalluunka”

Image
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyas Osman Lugatoor ayaa bilaabay ololahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyas Osman Lugatoor oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Hon. Abdirisak Abdilahi Xagaa ayaa daahfuray todobaadka dhiirigelinta cunista Kalluunka iyo cuntada kale ee Badda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland.

Todobaadka dhiirigelinta cunista Kalluunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland kalana shaqeeyeen Hay’adaha FAO iyo Bangiga Adduunka, ayaa lagu soo bandhigaya sida cunto ahaan loogu diyaariyo Kalluunka, loo keydiyo isla markaana loo illaaliyo nadaafadiisa.

Ku-sımaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey todobaadka la dhiirigelinayo cunista Kalluunka iyo cuntada Badda , wuxuu sheegay in ay tahay tallaabo kor loogu qaadayo ka faa’ideysiga kheyraadka Badda iyo in bulshadeenu helaan aqoon ay uga faa’ideystaan Kalluunka.

Sidoo kale waxaa la daah-furay tababar loo qabtay xirfedlayda kalluunka oo gaaraya 30 Haween ah, kuwaasi la barayo sida cunto ahaan loogu diyaariyo Kalluunka, loo keydiyo isla markaana loo illaaliyo nadaafadiisa.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Siciid Maxamed Raagge, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Maxamuud Maxamed Gabax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Sharmaarke Yaasiin, Agaasime Waaxeedyada iyo saraakiisha kale ee Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa bandhigga lagu casumay Wasaaraddaha kale ee dowladda sida Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo khuburo ku xeeldheer Cuntada Badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM