Puntland oo daahfurtey mashaariic maamul daadajin ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Balaarin lagu sameeyay Iskuulka Deegaanka Dhagaxyocade ayaa kamid ah mashaariicda la daahfuray.

GAALKACYO, Puntland - Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Eng Maxamud Cabdinuur Aden, iyo Wasiirka Wasaradda Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guryaynfa Dawaladda Puntland, ayaa si wada jir ah xariga uga jaray Mashariicda Maamul Daadajinta SDM/JPLG 2021 oo la hirgaliyay.

Gudoomiyaha Degmada Eng Maxamud Cabdinur Adan iyo Wasiirka Wasaradda Hawlaha Guud mudane Axmed Bashiir Muuse (Ciro) ayaa xariga ka jaray.

1) Xaruunta Hooyada iyo dhalaanka ee Deeganka HEEMA oo lagu sameeyay balaarin daydka iyo Qolka Dhalmada oo aysan Horay u lahayn.

2) Balaarin lagu sameeyay Iskuulka Deegaanka Dhagaxyocade (Deyd 50m X 50m), ganjeel iyo  barkad biyood. Oo lagu kordhigay.

3) Deeganka Halabookhad ayaa laga xarig jaray Dayactir haan biyood , dhismo Jiko iyo goobta quudinta ardeyda ee Deegaanka Halabooqad.

4) Deeganka Jeexdin ayaa laga xarig jaray   Deyd Xarunta Hooyada iyo dhalaanka (60m X 60m) iyo ganjeel Deegaanka Jeexdin.

5) Sidoo kale Deeganka Jeexdin ayaa waxaa xariga laga jaray Dhismo Daydka schoolka iyo Ganjeel (60m X 60m) Deegaanka Jeexdin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM