Puntland oo dad u xirtay dilkii wariye Jamaal Aadan Faarax

Image

GAALKACYO, Puntland – Laamaha ammaanka dowladda Puntland ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaad lagu tuhmayo dilkii saxafi Jamaal Aadan Faarax, sidda uu shaaciyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni kaasoo xusay in baaritaanka uu gabagabo ku dhow-yahay.

Wariyaha oo 2-dii Maarso, sanadkan 2021 ay dabley hubeysan ku dishay waqoyga magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa mas'uuliyadda khaarijintiisa dusha u ridatay xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida.

Deni oo Sabtidii shalay la hadlayey shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kadib weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay saldhiga weyn ee magaaladda ayaa ku tartarsiiyey ciidamadda Puntland in ay sarre u qaadey howlgalada ay ku sugayaan amniga magaalooyinka.

"Waxaa gacanta lagu hayaa oo baritaanka uu dhow yahay dilkii saxafi Jamal loogu geystay, waxaana u mahadcelinayaa ciidamadda amniga oo gacanta ku haya raggii geystay," ayuu si kooban u yiri Deni oo kiiska wariyaha soo qaadey.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray madaxwaynuhu: "Weerarkii ka dhacay Boosaaso wuxuu tusaale u yahay in ay dhici karaan kuwa kale".

Illaa haatan, ma cada tiradda loosoo qabtey dilka wariyaha. Balse, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin waxay sheegayaan in ragga la hayo ay badankooda yihiin dhalinyaro isla markaana tiradoodu u dhaxeyso 4 illaa iyo shan.

Saraakiil ammaan ayaa u sheegay Garowe Online in ragga dilay saxafiga ay ahaayeen dhalinyaro isla markaana ay ku beegsadeen goobtiisa.

"Dhalinyarada markii ay ugu tageen mehradiisa ganacsi waxay iska dhigeen kuwa wax ka iib-sanaya. Agab ayay u direen. Markii uu sii jeestey waxay hubiyeen rasaasta bastoolado ay dhabarka ooda uga qaadeen," ayuu yiri sarkaal magaciisa uga gaabsaday in aan loo ogoleyn in uu saxaafadda u waramo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM