Puntland oo dalab ka dhan ah Goodax Barre u dirtay madaxda DF

Image

DHUUSAMAREEB, Puntland - Puntland ayaa si kulul kaga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka Waxbarashada xukuumadda federaalka ah.

Cabdullaahi Maxamed Xasan, wasiirka tacliinta Puntland, ayaa erayada kasoo yeeray Goodax Barre wuxuu ku tilmaamay "mid ay ka muuqatay mas'uuliyad darro".

"Hadalka kasoo yeeray wasiirka waxaa ka muuqaneysay mas'uuliyad darro, wuxuuna Puntland ka dhigayaa dal gaar ah," ayuu wasiir Xasan u sheegay warbaahinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray "dowladda federaalka madaxdeeda waxaan fareynaa in ay wax ka qabtaan [dhawaqa kasoo yeeray Goodax Barre]".

Dhinaca kale, wasiir Xasan ayaa saxaafada la wadaagay nuqulo kamid ah heshiisyo "caddeynaya" in Puntland ay si gaar ah u maamulato Imtixaanaadka Shahaadiga ah.

Heshiisyadda oo ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Waxbarashada Puntland iyo federaalka ayaa soo jeedinaya in xukuumadda dhexe uu doorkeedu yahay kormeer.

Sidda ku xusan heshiisyadda oo uu arkay Garowe Online, ardayda gashay imtixaanka shahaadiga Puntland "waa in shahaadooyinka loogu geeyaa degaanadooda".

Ugu dambeyntii, wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa cod dheer kusoo jeediyey in la xormeeyo heshiisyadda iyo qodobo kale oo ku jira Dastuurka oo xoojinaya arrintaan.

Nuqulada heshiisyadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM