Puntland oo da'yarta ku boorisay ka shaqeynta amniga iyo horumarka

Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay dhallinyarada magaalada Qardho, kulankaas oo looga hadlayey doorka dhallinyaradu ku leeyihiin horumarinta dalka.

Kulanka waxaa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ku wehlinaayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha gobolka Kar-kaar, Duqa degmada Qardho, dhallinyaro iyo marti sharaf kale.

Karaash ayaa soo dhaweeyey kulamada noocaan oo kale ah oo dhallinyaradu ay kaga hadlayaan horurmarinta Puntland iyo sidii ay qaybtooda u qaadan lahaayeen.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in dhalinyarada ku dhaqan degaanadda Puntland ay tusaale lagu daydo u yihiin dhallinyarada dhiggooda ah.

Madaxweyne Karaash ayaa dhallinyarada ku booriyey inay ka faa'iidaystaan fursadaha shaqo ee waddanka yaala, kuwaas oo ay ka midyihiin tabcashada Beeraha, Kalluumaysiga iyo farsamada gacanta.

Waxa uu uu caddeeyey in dowladda Puntland ay dhinacyadaasi xoogga saari doonto horumarintooda.

Ugu dambayn, Madaxwweyne Ku-xigeenka ayaa wuxuu da'yarta Puntland kula dar-daarmay inay ilaashadaan Amniga iyo horumarka degaanada Puntland.

Puntland State House

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM