Puntland oo “dib-u-celineysa" wariye Jamaal Cusmaan
GAROWE, Puntland - Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Wariye Jamal Cisman uu weli ku jiro gacanta hay’adaha Nabad Sugida Puntland.
Jamal ayaa su’aalo lagu waydiiyay xarunta Nabad Sugida, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in hay’adaha Dowladda ay qorsheynayaan in dib loogu celin doono duulimaadkii uu ku yimid.
Sarkaal magaciisa diidey in la shaaciyo ayaa sheegey in Jamaal Osman uu ku sii jeeday buuraha gobolada Sanaag iyo Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah.
Jamaal, oo ka tirsan shaqaalaha TV-ga Channel 5, ayaa loo yaqaannaa inuu soo saaro barnaamijyo ku saabsan kooxda Al Shabaab, isagoo barnaamijkiisii ugu dambeeyey diiradda saaray degaannada ay kooxdu ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.
GAROWE ONLINE