Dowladda Puntland oo dib u dhigtay dhageysiga kiis isugu jira kufsi iyo dil

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nuugaal kuna taala magaala madaxda dowlada Puntland ee Garowe ayaa maanta oo Arbaco ah waxay mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiis kufsi ah.

Falkaas lagu farxumeeyay haweenay xaas ahayd laguna magacaabi jiray Hodan Maxamed Shanleyste ayaa loo haystaa todoba rag ah.

Sidda ay warbaahinta u sheegeen ehelada Hodan oo xadgudubkaas u dhimatay, dib u dhigistaan ayay xeer-beegtada u cuskatay in eedeysaneyaasha aysan haysan qareeno difaaca isla markaana dowladda u qabaneyso.

Qoyska oo garsoorka iyo xeer-ilaalinta uga mahadceliyey dedaalkooda ayaa hay'addaha dowliga ah ee gal-dacwadeedka khuseeyo iyo ururada u dooda Xuuqul Insaanka ku casuumay in ay kaalintooda qaatan.

"Waxaan hay'adaha dowladda iyo Ururada xuquuqda bini'aadamka ku dhaliileynaa in illaa haatan aysan muuqan doorkooda," ayay cod wadajir ah ku sheegeen qoyska oo rajeeyay "in cadaaladu shaqeyso".

Faarax Axmed Maxamed, walaalka marxuumad, ayaa ka codsaday ciidanka in ay soo xiraan nin uu magaciisa ku sheegay Burhaan "kaasoo ah kan kufsaday Hodan, dambiileyaashana kalana gaariga ku keenay guriga".

Sidda laga soo xigtay Maxamed, sheybaarka baaritaanka DNA-ga ayaa xaqiijiyey dheecaanada Burhaan kaasoo aan la ogeyn meesha uu jaan iyo cirib dhigay. Mana cadda hadii uu degaanada Puntland uu ka baxsaday.

Bishii April ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii ficilkaan foosha xun uu dhacay. 11-kii Febraayo, 2020, fadhigii ugu horeeyay ayay maxkamadu ka yeelatay. Hase ahaatee, muddo afar jeer ah ayaa dib loo dhigay.

Hay'addaha cadaaladda Puntland ayaa horey u maareeyay kiisas kufsi ah oo kusoo dhamaadey qaab cadaalad ah, waxaana kamid ah dacwadii Caasha Ilyaas Aadan oo xukunka lagu fuliyey dhamaan raggii uu ku cadaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM