Puntland oo digniin culus hawada u marisay wariyeyaasha

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland oo cod dheer digniin ugu dirtay wariyeyaasha "caadeystay faafinta wararka been abuurka ah" ayaa carabka ku adkeysay in ay ku muteysan karaan "ciqaab adag".

Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtey caasimada Garowe, ayaa xusay in maamulka uusan marnaba ogolaan doonin "in sumcadiisa la dilo".

Xilli uu hoosta ka xariiqay in Puntland aysan "waxyeelayn karin" warar lagu faafiyo baraha bulshadda, haddana wuxuu xusay in ay meel adag iska taageyso la tacaalida falalka noocaas ah.

Wariyeyaal uusan carabaabin oo uu tibaaxay in ay "ku mashquulaan" faafinta wararka liddiga ku ah Puntland ayuu ku tartarsiiyey in xooga ay saaraan "horumarinta nafsadooda".

"Dadka noocaas ahi waa in ay ogaadaan Puntland in ay tahay sidda buur aysan dabeyluhu gilgili karin. Waa in ay ogaadaan Puntland in aysan aqbaleyn in sumcadeeda la dilo," ayuu ku daray.

Isagoo aan cid gaar ah magacaabin, wasiirka oo ku nuux-nuux-saday "in aysan jirin dunida meel laga ogol yahay Fake News" ayaa daaha ka rogay in saxafiyiintaas qaarkood ay ku shaqeeyaan dano siyaasadeed.

Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu malaayiin doolar-ka Mareykanka ku bixiyo sidii uu xasilooni daro ka abuuro maamulada aragti ahaan diidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM