Puntland oo diidey ergayga loo magacaabay wadahadalka Somaliland
GAROWE, Puntland - Maamulka Puntland ayaa dhaleeceeyay go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Sabtidii ku magacaabay ergayga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha wadahadaladda Somaliland.
Xasan Sheekh ayaa u magacaabay madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, in uu hoggaamiyo "dadaallada dowladdiisa ee ku aaddan xaqiijinta midnimada iyo wadajirka dalka".
War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay "in loo baahan yahay in talada la wadaago, la is dhageysto, laga wadahadlo, xal waara laga gaaro tabashada dadka walaalaha ah ee wada dega gobolada Waqooyi ee Somaliland".
Balse, Wasiirka Warfaafinta Punland, Maxamuud Caydiid Dirir oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe Axadii shalay, ayaa magacaabista ergayga Somaliland ku tilmaamay "arrin siyaasadeed oo aan loo baahnayn oo meel ka dhac ku ah xuquuqda gobolada SSC".
Dirir waxa uu intaa ku daray in aanu madaxweyne Maxamuud "wali magacaabin ergay gaar ah oo wax ka qabta arrimaha bini’aadantinimo ee ay abuureen barakicinta reer Sool ee ka soo qaxay colaadda Laascaanood".
"Maanta waxa loo baahan yahay in la ilaaliyo xuquuqda dadkii laga soo barakiciyay magaalada Laascaanood, dad kor u dhaafaya 80,000 oo qof ayaa u barakacay dalka Itoobiya, kuwaas oo geedo hoostooda ku nool," ayuu yiri.
Wadahalada dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku jiray dhowrkii sano lasoo dhaafay iyadda oo arrimaha ugu waaweyn ee la isku-hayo ay khuseyso midnimada iyo tabashooyin siyaasi ah.
Xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo Villa Soomaaliya ayaa hooseeyay dhowrkii bilood lasoo dhaafay sababo ku aadan in madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu amray in la hakiyo wadashaqeynta dowladda federaalka ah.
Deni oo muddo xileedkiisa ay bilooyin uga dhiman yihiin ayaa Villa Soomaaliya waxay isku-hayaan arrimo siyaasadeed iyo kuwa shaqsi ah waxaana uu ka baaqdey wadahadalkii ugu dambeeyay federaalka iyo maamuladda.
Puntland ayaa muddo badan waxay ku doodeysay in ay kaalin ku yeelato wadahadalada dowladda federaalka iyo Somaliland maadaama ay saameyneyso ayna isku-hayaan dhulka gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
GAROWE ONLINE