Puntland oo diiwaan-gelisay kiiskii ugu horeeyay oo ah Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga wacyi-gelinta iyo ka hortaga fayruska Corona ee dowladda Puntland ayaa wuxuu maanta xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay oo cudurkaas safmareenka ah.

Warbixintooda maalinlaha ah ee 19-ka April ee sanadkan 2020 ayay ku sheegeen in muwaadinkan uu kamid yahay laba qof oo dhowaan laga baarey caabuqaas dilaaga ah.

"Bukaanka oo xaaladiisa caafimaad ay aad u fiican tahay ayaa nan sameynin wax safar ah," sidda ku xusan war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Shaqsiga kale ee la tuhmay isla markaana lala baarey bukaanka laga helay, sidda ku xusan qoraalka, ayaa natiijadiisu noqotay in laga waayey.

Sidda ku cad qoraalka, tani ayaa ka dhigan in xanuunka uu ku dhex-jiro bulshada, maadaama astaamahiisa ay yihiin kuwa iska fudud oo dadka qaar aysan aqoonsan karin.

Bayaanka ayaa intaas ku daraya in maanta oo Axad ah la karantiilay shan qof kale, oo baaritaano iyo dheecaano laga qaadi doono si loo hubiyo in ay ka badqabaan.

Bulshadda Puntland ayay cod dheer ugu booriyeen in ka fogaadaan meelaha laysugu yimaado sidda Jameecada Masaajida, Hoteelada iyo meelaha lagu cayaaro.

Somaliland iyo Jubaland ayaa horey looga soo wariyey xaalado ku saabsan Covid-19. Marka lagu daro kiiska kasoo cusboonaadey Puntland, wadarta guud ahaan wadanka waa 137.

MUUQAALKA SHAACINTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM