Puntland oo dil ku fulisey xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Image

March 16, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisey saddex nin oo horay dil loogu xukumey kuna eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore oo maanta Garowe shir jaraa'id ku qabtey ayaa xaqiijiyey warkan isagoo sheegay in Puntland sii joogteyn doonto dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in dadka maanta la toogtey ay ku caddaatay inay xubno firfircoon ka ahaayeen Al-shabaab qaybna ka qaateen dilal qorsheysan iyo qaraxyo laga fuliyey Puntland.

Saddexda nin ee la diley waxaa lagu kala magacaabi jirey:

  1. Maxamed Cabdi Axmed (Olol).
  2. Xaajow Shiikh Nuur Cismaan oo la baxay (Shiishaan).
  3. Ismaaciil Cabdulqaadir Jaamac oo la baxay (Rabbiile).

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa sanadkan xukunno dil, xabsi daa'im iyo xarig dheer isugu jira waxay ku riddey ku dhowaad labaatan qof oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab falal ammaan darro ahna ka geysteen Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM