Puntland oo toogatay xubno kamid ahaa Al-Shabaab iyo Daacish

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamada Ciidamada Puntland, ayaa Khamiista maanta ah dil-toogasho ah ku fulisay 5 nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo Daacish.

Shaqsiyadkan la toogtay ayaa waxay mudo ku xirnaayeen xabsiga magaaladda Boosaaso, waxaana ciidamada ammnigu ay horay uga soo qabqabteen gudaha deegaanada Puntland.

Toogashada xubnahan ayaa timid markii Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaankuba ay ayiddeen xukunadda garka loo geliyay horaantii sanadkan 2019-ka.

Raggaan ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgalo qorsheysan oo ciidamadda amaanka ka sameeyeen gobolka Bari.

Magacyada raga la toogtay kala ah;

Ibraahin Guudow Boorow, 23 jir, Faarax Siciid Faarax, 19 jir, Sheekh Cabdi Cabdulqadir Sheekh, 22 jir, Shaafici Xuseen Macalin, 19 jir, iyo Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

Puntland, horay waxaa loogu dilay rag lagu eedeeyay in ay xubin buuxda ka yihiin xoogaga gacansaarka la leh shabakaddaha Al-Qaacida iyo kooxda la magax baxday Dowladda Islaamka.

Kooxahan oo Puntland ku xoogeystay mudadii ay jirtay maamulkii Cabdiwali Gaas ayaa xukuumada Deni waxay wacad ku martay in ay xididaha u siibi doonto mudada xil-heynteeda.

VOA + GO

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM