Puntland oo dishay sarkaal sarre oo ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya

Image

BOOSAASO, Puntland – Taliska ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland ayaa shaaciyey in ay dileen afar ka tirsanaa Daacishta Soomaaliya.

Dagaalameyaashan ayaa lagu khaarijiyey howlgal ciidamaddu ka fuliyeen degaanka Toga Miraale oo qiyaastii 27 km dhanka Bari kaxiga Boosaaso.

Xubnaha la toogtay waxaa ku jira sarkaal sarre, sidda lagu sheegay qoraalka taliska, wallow aan lagu soo bandhigin magaciisa.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, laamaha ammaanka Puntland ayaa degaanada argagixisada ku dhuumaaleysato ka waday howlgalo saf-balaaran ah.

Dhowaan ayay ahayd markii ku dhowaad 60 qof lagu soo qabtay dhaqdhaqaaq laga sameeyay gudaha xarunta gobolka Bari.

Shaqsiyaadkaas oo looga shakisan yahay Al-Shabaab iyo Daacish ayaa qaarkood xorriyadooda loo celiyay markii wax dambi ah lagu waayay, sida la sheegay.

Hawlgaladan ayaa kusoo beegmaya xili qorshuhu yahay in Boosaaso ay martigeliso Carwo lagu soo bandhigi doono fursadaha ganacsi ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM