Puntland oo gacanta ku dhigtay drones-ka qarxa iyo dabley wadday

Image
Shixnadan ayaa waxaa lagu qabtay wadada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

GAROWE, Puntland - Ciidamada dowladda Puntland ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan 7-qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisadda.

Sidoo kale, ciidamadda ammaanka maamul goboleedkan Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku guuleysteen qabashadda shan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, eedeysanayaasha iyo hubka wax gumaada ayaa lagu qabtay wadada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe.

Hawlgalkan ayaa tilmaamaya tallaabo muhiim ah oo lagula dagaallamayo argagixisada iyo xaqiijinta amniga iyo amniga gobolada Mudug iyo Nugaal oo maalmihii dambe xoogeystay.

Faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda ay yihiin dableyda la qabtey iyo cidda lala damacsanaa in loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa wali la shaacin.

Balse, tallaabada ayaa saraakiishan waxa ay ku tilmaameen mid muujineysa sidda laamaha ammaanka Puntland uga go'an tahay xaqiijinta amniga iyo la dirirka argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM